You are using an outdated browser. For a faster, safer browsing experience, upgrade for free today.

Loading...

Karoonaa waa kulmiyaha Qoyska

Informationer
Dato 04.04.2020
Start 18:30
Slut 20:30
Antal pladser 100
Antal tilmeldte 32
Pladser tilbage 68

”War ilmihii baanu dib isku baranay”. Hadalkaas waxaa laga hayaa dad markii karantiil la galiyey ilmihii wakhtiga ay isku waayeen wakhti fiican isu helay. 

Dad badan waxay ayaamahan ku jiraan karantiil, oo guryaha baa la wada fadhiyaa cabsi laga qabo cudurka Covid-19. Sidaa daraadeed waxaa mudan in dib loo fiiriyo xidhiidhkii qoyska ka dhexeeyey. 
Wax badan ma is tidhi wakhti ma hayo aan reerkay la qaato, shaqo, iskool, iyo aduunyo baan ku mashquulsanahay. 


Marar badan ma is tidhi, ”alla maxaan wax badan samayn lahaa hadaan caruurtayda wakhti u heli lahaa”. Maanta waxaas oo cudurdaar ah iyo wax kasta oo aad ku riyoon jirtay hortaada bay yaalaan. Sidee marka uga faa’iidii? Covid-19 dhab ahanatii waa musiibo meelo badan marka laga fiiriyo, laakiin sidoo kale ma is tidhi dhinac buu nimco ka noqon karaa? 

Su’aalahaas iyo mawaadiic kale oo badan oo la xidhiidha waxaynu ku qaadan doonaa webinar-ka(online) dhici doonaa 04.04.2020 Webinar-ka waxaa dhigaya Sheekh Cabdullaahi Xambali & Sheekh Maxamuud Abuu dalxa. Marka walaal yaysan ku dhaafin fursaddan qaaliga ah. 
Waxaa banaan kaliya 100 boos webinar-ka, marka si dhakhso ah isku diiwaan geli intaysan boosasku kaa buuxsamin. 

Macluumaad muhiim ah
Taariikhda: 04.04.2020
Saacada: 18.30-20.30
Macalimiinta: Sh. Cabdullaahi Xambali & Sh. Maxamuud Abuu dalxa
Luuqad: Soomaali