Walaal waligaa ma ka fakarta hankaaga nolosha? Maxaad jeceshay inaad gaadhid? Himmadaadu ma saraysaa mise waa mid hoosaysa? Maxay ku dhacday dadka qaar inay gaadhaan hadafkooda nolosha oo ah mid sareeya, dadka qaarna waligood aynan ka dhabaynin himmadooda? Muxuu qofku u baahanyahay inuu kaashado markuu rabo inuu yeesho himma sare? Waligaa ma ku riyootay inaad himadaada kor u qaadid, oo shimbiraha la duushid? Haday jawaabahaasi yihiin “Haa”, waxaanu kuugu bishaaraynaynaa inay Zaylaci Academy qabanayso Webinar(online koorso) ku saabsan mawduuca “Himmada sare”. Waxaa koorsada dhigaya Sheekh Maxamuud Abu dalxa, oo wakhtigiisa qaaliga ah wax naga siiyey si uu noogu faa’iideeyo.
Mawaadiicda koorsadu ku saabsantahay
Culuw al-himmah fil cibaada/iimaanka
Culuw al-himmah fil dacwa
Culuw al-himmah fil masaa’ib wal balaaya
Culuw al-himmah fil dalab al cilm/rizq
Culuw al-himmah fil mawaaqif
iwm
Koorsadu sida aanu kor ku xusnay waxay ka dhacaysa qaab online ah. Qofkii raba inuu ka qaybqaato waa in uu is diiwaangaliyaa. Si dhakhso ah isku diiwaangali oo yaysan fursaddan qaaliga ah ku dhaafin. Boqolka(100) qof ee ugu horeeya baa korsada fursad u helaya.
Markaad is diiwaangalisid baad helaysaa macluumaad dheeraad ah.