You are using an outdated browser. For a faster, safer browsing experience, upgrade for free today.

Loading...

Caqabaadka hor taagan walidiinta

Informationer
Dato 26.06.2021
Start 20:00
Slut 22:00
Antal pladser 100
Antal tilmeldte 30
Pladser tilbage 70
Wiilkayga iyo gabadhaydu ima maqlaan. Markasta waxaanu ku jirnaa dagaal iyo muran. Wax aan sameeyo ma garanayo. Caruur xun bay iga raaceen. Gurga igama caawiyaan. Way igu caasiyeen. Gabadhaydu xijaabkii bay tuurtay. Wilkaygu wuxuu bilaabay inuu wiilal ”kriminal” ah inuu raaco. 

Waxaa laga yaabaa inay waalid badan dhahaan kalmadahaas kore. Waxaaba laga yaabaa adiga qoraalkan akhrinaya inaad hadda ka hor tidhi kalmadahaas. 
Run ahaantii tarbiyadda caruurtu shay fudud maaha. Siiba ilmuhu markay gaadhaan dhalinyaranimo. Waxaa dhacda inay waalidka isku dhacaan oo is maandhaafaan. 


Sidaa daraadeed waa muhiimad in la daraaseeyo fanniga la dhaho tarbiyadda caruurta. Maxaa la dhahaa horta tarbiyo? Sidee loo xaliyaa caqabadahaas kor aynu ku soo sharaxnay?

Zaylaci Academy waxay qabanaysaa koorso online ah ku saabsan “Caqabaadka tarbiyadda caruurta”. Waxaa koorsada lagu daraasayn doonaa qaababka kala duwan ee loo xaliyo calaaqada ka dhaxaysa adiga iyo ilmahaada. 

Waxaa koorsada qaban doona Sh. Maxamuud Abu dalxa iyo Sh. Cabdrisaaq Xaashi.

Si aad koorsadan muhiimka ah uga qaybqaadatid is diiwaangeli intuusan boosasku kaa buuxsamin.

Macluumaad muhim ah:
Taariikhda: 26.06.2021
Saacadda: 20.00 – 22.00
Mawduuca: Caqabaadka tarbiyadda caruurta
Macalinka: Sh. Maxamuud Abuu dalxa & Sh. Cabdirisaaq xaashi
Luuqad: Soomaali
Booska: 100
 
 
Tilmelding
Type: