Walaal jadwalkaada bisha ramadaan ee quraanka waa sidee? Bishii ramadaan waxaa ka hadhay maalmo yar, sidaa daraadeed qofka caqliga badan waa qofka isla hadda sii bilaaba inuu qorse samaysto. Bishan barakaysan ee soo socotaa waa shahrul Qur’aan, bishii quraanka. Waa bishii uu Allah soo dajiyey quraanka. Dadkii wanwanaagsanaa bishan hawl kasta way joojin jireen, si ay wakhti fiican ugu helaan quraanka.
Adiga haddaan ku waydiiyo, imisa Ramadaan baa nolosahaada ku soo martay? Imise bilood oo ramadaan baadan quraanka u akhrin sidii aad rabtay. Taasi maxay ku dhacday baad is leedahay? Inta badan waxay ku dhacdaa qorshe la’aan, iyo go’aan xumo. Laakiin waligaa ha is dhiibin, weli fursad qaali ah baad haystaa. Ha ka shalayn wixii ku dhaafay e, hadda iyo wixii ka dambeeya u diyaargarow.
Koorsadan webinaarka ah, waxaynu ku qaadan doonaa qodobadan soo socota
Fadliga quranka gaar ahaan bisha ramadaan.
Jadwalo kala duwan oo ah qaabka quraanka lo akhriyo ma lo xifdiyo muddo gaaban
Dhiiri galin haweenka sidee ugu wanaagsan ay bisha ramadan quranka uga fa’idaysan karan.
Fikir/ra’yi iswaydaarsi kusaabsan quranka.
Dhawrkan su’alood ee soo socda nafsadaada waydii ka hor korsadan:
Riyadaada quranka maxay tahay?
Xidhiidhka adiga iyo quranka idiin dhexeeye wa mid sidee ah?
Sidee quranka saaxiib ula noqon karta?
Ma rabta quranka inaad dhamaysid bisha ramadaan?
Waligaa jadwal ma rabtay inaad quranka u samaysato oo jadwal adiga kugu haboon mala’dahay?
Haday jawaabtaada iyo hammigaadu yahay inaad bishan Quraanka siisid xaqiisa, ka soo qaybgal webinaarka aynu isku dayayno inaynu is hormarino, oo himmadeena quraanka kor u qaadno.
Yaa weeye Asma Abdirizak: Asma safarkeeda quraanka iyo jacaylkiisa waxey bilawdey iyadoo aad u da`yra. waxey quraanka xifdisay iyadoo jirta 9 jir.
Waxey ka baxdey iskolka 2da sano ee Zaylaci Academy, Culumada ey cilmiga ka qaadatey waxaa kamid ah : Sh Cabdiraxman Abyad,Dr Hoori,Dr Cabdiwali, Dr Haaruun,Dr Cabdinor,Dr Cali Saalax, Dr Osman farax iwm.