Loading...
WQ Dr Hoori
Qofkastaa wuxuu leeyahay hammi ku weyn iyo riyo uu rabo in ay u rumowdo. Wuxuu dhigtaa yool iyo hadaf weyn oo ay tahay in uu xaqiijiyo, kana dhabeeyo.
Dadka naajixiinta ah, marka ay yoolka xadiditaan kadib kuma mashquulaan yoolka ee waxay xoogga saaraan waddadii iyo "process"-kii ay ku xaqiijin lahaayeen. Waa in jihada iyo dariiqada lagu xaqiijin lahaa ay saxnaato. Haddii jihadu kaa khaldanto si kasta oo yoolkaagu u fiicnaa, u weynaa marna gaari kari maysid.
Waxaa jira xeer la yiraahdo "1 in 60 rule" oo inta badan ay adeegsadaa duuliyaasha diyaaradaha.
Haddii aad jihada diyaaradu u socoto aad ka leexatid hal digrii "1°", markasta oo ay diyaaradu socoto "60 miles" waxay "target"-keegi gafaysaa ama ka leexanaysaa "1 mile". Haddii duulimaadkaagu ahaa "600 miles", in aad "1°" ka khaldantid jihada waxay ku kallifaysaa in aad "target"-kii gaftid "10 miles".
Khaladka yar ee aad samaysid bilowga dariiqa ee jihadu kaa khaldanto ama "process"-ka aad u maraysid waxay kugu bixinaysaa in aad yoolkaagi aad si weyn uga leexatid ilaa ayba suurtageli waydo in aad haleeshid.
Hadafka iyo yoolka in uu fiican yahay ama saxan yahay waa muhiim ... waxaa kasii muhiimsan in "process"-ka iyo dariiqada lagu xaqiijinayo ay saxan tahay oo uusan qalooc ku jirin.
"Routine"-ka iyo "System"-ka aad adeegsanaysid waa in uu ku gaarsiinayo hadafkii iyo natiijadii aad u baahnayd. Haddii aad si khaldan u baratid sida biraha loo qaado ... marna natiijadii jir dhiska aad rabtay gaari maysid.
