You are using an outdated browser. For a faster, safer browsing experience, upgrade for free today.

Loading...

The 100 hour rule


The 100 hour rule

===============

Sanadka oo dhan (365 days × 24 hrs) waa 8,760 saacadood.

Haddii aad mowduuc, xirfad ama maaddo gaar ah aad ku bixisid 100 saacadood keliya sanadka oo dhan (~ 1%), oo u dhiganta ~ 18 daqiiqo maalinkii, waxaa hubaal ah in aad mowduucaas aad cid kasta kaga fiicnaanayso, khabiirna ku noqonaysid.

In aad aqoon ama xirfad cusub baratid uma baahna juhdi iyo kharash badan. Waxay u baahan tahay oo keliya in ay kaa go'an tahay oo aad niyad xooggan u haysid (Motivation), kadibna joogtaysid (Consistency).

Waxaad kale oo aad u baahan tahay adkaysi iyo dhabar adayg ... sabur.

Ogow 18 daqiiqo maalinkii oo dhan (24 hrs × 60 min = 1,440) waxay ka tahay ~ 1% oo waqtigaaga ah.

"Sweat the small stuff".

WQ  Dr.Hoori