You are using an outdated browser. For a faster, safer browsing experience, upgrade for free today.

Loading...

Wixii nool baa ku nooleeya .


WQ Sh Cabdiraxman Abyad

Caqiidada Ahlusunnaha waxaa ka mid ad in aadanuhu waxa uu samaynayo xor u yahay , cid khasbaysaana aanay jirin ee uu isagu doorto.

Fiqhigana waxaa ka mid ah in khasabka iyo jujuubku saamayn ku leeyahay falka Aadanaha.

Haddaba iswaydiintu waxay tahay : Kol haddii Allaah uu aadanaha XOR ka dhigay aanuna khasbayn oo jujuubayn, markaas miyaanay mudnayn in mabda’aas weyn qiimihiisa la ogaado, oo adoonsiga la diido nooca uu doono ha ahaadee .

Qof aan xor ahayn waa Aadame siloon.

Waxaase ayaan darro ah in aad aragto ku u diyaarsan in uu noqdo liite lagu dulsocde ah oo waliba dulligiisa diinta qiil uga raadinaya.

Maanta haddaad ku nooshahay in badan oo dunida muslimka ka mid ah waxaa sahlan in maxkamad lagu saaro gardarro ah , deedna dil lagugu xukumo oo waliba wadadaad saxeexo , in ay gar tahay in lagu dilaa ... Aakhiro waxa aad doonto mudo laakiin adduunkan maanta la joogo aan deero deero u hirdiyin .

Allaah wuxuu jecel yahay mu’minka xoogga badan ee xumaanta diidi kara wanaagana garab istaagi kara.

Qof hoganaya oo Asal madoorshe aha ama sidii tiro taban ah oo wixii lagu kordhiyaba nuqsaamiya ma aha kan Islaamku rabo.

Xoriyad ka qaadidda “adoosi” nooca ugu xumi waa maalinka aad kii ku jujuubayey mabaadidiisa qaadato oo aad horumar iyo siyaasad mooddo.