Loading...
WQ Dr Hoori
Qofna kuma dhasho iyada oo qaaddo qalin ah (Silver spoon) ay afka ugu jirto. In qofku aqbalo duruufta iyo xaaladda nololeed ama dhaqan-dhaqaale ee lagu jiro kadibna ka fekero sida uu ula noolaan lahaa ama ula falgeli lahaa waa lama huraan.
Qofku waa in uusan sugin inta uu ka helayo xafiis iyo gaari cad .. waa in uu isku dayaa in uu noloshiisa maareeyo si kasta oo ay u qabato. Waxaa aad looga cabtaa in waddanku shaqo la'aan yahay, haddana waxaa kusoo qulqulaya oo buuxaa ajaanib badan oo qabanaya shaqooyinka hoose oo dhan.
Tiro badan oo ka mid ah dadkaa ajaanibta ah ee timaha jara, aqalada dhisa, ama nadaafadda ka shaqeeya waxay kasoo baxeen jaamacado waxayna wataan shahaadooyin sare. Haddana waxay ku faraxsan yihiin in ay noloshooda maareeyaan oo kaa dhex shaqaystaan. Markii fursaddu u saamaxdo waxay u wareegayaan xirfadoodi aqooneed.
In aad bilowga hore ka shaqaysid shaqo hoose ama aad u aragtid in aysan kuu qalmin macnaheedu ma ahan in aadan korayn ama fursadi kusoo mari doonin aad xirfadadaada wax ku heshid.
Nin oday ah oo aan saaxiibbo nahay baa iiga sheekeeyey in nin Yamani ah oo hadda ka shaqaysta Puntland gudihiisa, kana shaqeeya Decoration-ka uu u sheegay in uu qaatay "Masters Degree in Public Administration". Markii uu ku jiray jaamacadda aabihiis wuxuu ku khasbay in uu barto xirfadda odaygu kusoo koriyey ee ah in guryaha la qurxiyo.
Markii odaygu arkay in uu wiilku xoogaa caga jiidayo ayuu ku yiri 'Jaamacadda aad dhigatid waxay ku anfacaysaa xilliga barwaaqada ee maxaad ugu talogashay marka ay ku soo marto maalin madow?". Muddo yar kadib waxaa dhacay dagaalkii Yemen, wuxuuna u soo qaxay Soomaaliya ... wuxuu hadda ku shaqaystaa xirfaddii aabihiis, reer ku dhaqdaa, Yemen lacag uga diraa walaalihiis uu waxbarash uga bixiyo.
Noloshu ma ahan in aad meel fiican keliya ka bilowdid ...
