Loading...
Haddii aadan khatar qaadan ... ogow waxba qaadan maysid (if you risk nothing, you gain nothing). Ma jirto fursad aysan ku xeernayn khatar. Haddii aad ka baqdid khatarta ka dhallan karta qaadashada fursadda, marna meel gaari maysid.
Khatartu waa waxa taban ee suurtagalka ah in ay ficilkaaga ka dhashaan. Waxa aad u baahan tahay in aad kasii fekertid, nooca khataraha imaan kara, kaddibna sidii aad uga fursan lahayd aad sii qorshaysid ... ma aha in aad ka baqdid ama is dhaafisid fursaddii. Kharaha qofka soo wajaha waxaa ka mid ah kuwa ugu waaweyn in bulshada kaa hortimaaddo ama mowjaddoodu ku qaado.
Qofka caaqilka ah wuxuu wax ku dhisaa go'aankiisa shakhsiga ah ee ma ahan in uu dadka hiyi raaco. Haddii bulshadu khaldan tahay, kuma khasbanid in adiguna aad dhankaaga ka raacdid. Sidoo kale, haddii aad tagtid meel laga il la' yahay, adiguna isha ha iska ridin.
Waxaa u baahan tahay in aad si xikmadaysan oo deggan u maareysid kala aragti duwaanta adiga iyo bulshada aad la nooshahay. Khasab ma aha waxkasta oo aad og tahay ama xaq ah in aad sheegtid ama qof kasta la wadaagtid.
"Public opinion" ama ra'yi caamka waa hub halis badan oo khatartiisa leh oo ay adeegsadaan cidkasta oo rabta in ay mabda' hirgeliso ama la dagaalanto. In aad si toos ah u wajahdid khatartiisa ayay leedahay. Nebbigga (???? ???? ???? ?????) isagoo ogaa in uu quraysh ka saxnaa ... haddana dawcadiisa wuxuu bilaabay si qarsoodi ah ilaa uu ka unkay koox qayb ka noqon kara in ay ra'yi caamka guud wax ka bedelaan ama culayska la xambaari kara.
WQ Dr Hoori
