Loading...
Nolosha qofka waxa saamaynta wayn ku leh, 10% oo ka mid ah waa waxa ku dhaca oo uusan kantarooli karin. Laakiin 90% waxa ku dhacaa waxay ka dhalataa sida uu uga falceliyo ama ficiltamo.
Haddii aad dhagax ku turunturootid, waxaa kuu furan in aad meeshaada fariisatid oo la murugootid iyo ... in aad xanuunka dareentid, adkaysatid kana socotid.
"Reaction" waa in aad si aan ka fiirsi lahayn, caadifad ah, laga fekerin aad "action" qaadid. Dhagax kasta oo dariiqa yaal aad ku mashquusid.
"Response" waa in aad si deggan, miyir ah, ka fiirsasho leh looga falceliyo ... la eego natiijada guud iyo ciribta dambe ee ficilka lagu xisaabtamo. In aadan waqti gelin, danna ka yeelan dhagxaanta dariiqa taal ee kaa jeedinka ujeedka iyo yoolka safarkaaga.
Haddii aad biyo ku dhacdid waxaa kuu furan ... in aad argagaxdid, hafatid iyo in aad si miyir la'aan ah ugu qarqoontid ... ama aad si deggan u fekertid, adeegsatid xirfaddaada dabaasha, qabsatid laan ama alwaax ... xitaa xumbo in aad cuskatid isku daydid ... xal in aad raadisid adiga oo miyirkaagu joogo.
Natiijada waxa kugu dhacaa waxay ku xiran tahay adiga falcelintaada, "attitide" kaaga iyo sida aad u dhaqantid.
