You are using an outdated browser. For a faster, safer browsing experience, upgrade for free today.

Loading...

Know thyself


Haddii uusan jirin cadow gudhaagga ah, cadowga banaanka waa u maara heli kartaa. Wax ka muhiimsan ma jiro in aad naftaada baratid.

Buugga ugu muhiimsan ee ay tahay in aad baratid, akhridid waa buugga naftaada.

"Metacognition" waa in aad ku baraarugsan tahay, taqaanin ama ka fekertid sida aad u fekertid, u dhaqantid, u hadashid, wax u baratid ... in aad naftaada taqaanid. "Selfawareness" waa tallaabooyinka qofku ku hormaro tan ugu muhiimsan. Waxaad ogaanaysaa khaladaadka aad gashid, halka aad ka jilicsan tahay ama nuqsaan ka leedahay, maxaad ku fiican tahay ama ku xun tahay ....guud ahaan in aad si fiican u daraasaysid buugga naftaada.

Mar haddii aad fahansan tahay xaalka naftaada, waxa u fiican, waxa u daran, aqoontaada inta ay le'eg tahay, mustawaha xirfadaada iyo khibradaada .. waxaa kuu sahlanaanaya in aad u gudubtid "Learning Zone" oo naftaada aad wax ku kordhisid, horumarisid ama ummadda kale wax anfacdid.

Waxaad ogaan waxa aad gashid iyo waxa aad guddid ... waxa aad ka fogaan kibirka, isla waynida ... waxa aad ogaan in waxa aad ogtahay oo u dhiganto in aadan waxba ogayn ... waxa aad ogaan xaqiiqada naftaada.

Akhri buugga naftaada ... read yourself.

 

WQ Dr Hoori