You are using an outdated browser. For a faster, safer browsing experience, upgrade for free today.

Loading...

It is not easy outside here


 

Dhallin yaro badan waxay u qabaan in noloshu sahlanaaynayso marka ay ardaynimada dhameeyaan. Ardaynimada waa marxaladda ugu fudud ee nolosha. Nolosha dhabta ah waxay bilaabataa ardaynimada ka dib.

Maalinka aad qalin jebisid ayaa adduun oo dhan kugu soo fakanayaa ... noloshadaada in aad maaraysid, mas'uuliyaad reer ... iwm.

Sax ... dadaalka iyo dhididka badan ee aad gelisid xilliga aad waxbaranaysid waxay kuu sahlayaan hawsha ku sugaysa iyo sida aad nolosha u wajihi lahayd. Xirfadda, aqoonta, Network-gga iyo soo jeedka badan waxay kuu noqon tababar iyo diyaar garaw ... laakiin markasta waxaa ku hor yaal buur iyo dalcad ka dheer, ka dhib badan buurtii iyo dalcaddii aad horay uga soo baxday ... buur u baahan sabur, adkaysi iyo kelya adayg siyaado ah.

U diyaar garow safar dheer oo bacad iyo harraad badan ... kaydkii iyo sahaydii aqooneed, xirfad iyo dad la dhaqan ee aad mirahiisa abuurtay inta aad waxbarashada ku jirtay, laguu xilqabay ama aysan mas'uuliyad ku saarnayn wuxuu kuu sahli karaa bilow fiican iyo in jid kuu baxo.

Marxaladba tan ka dambaysa waxay u baahan tahay tabo, aqoon, iyo xirfado hor leh .. wixii aad horay u taqaanay in ay ku baritaaraan ma ahane waxba kuu qaban maayaan. Waxaad u baahanaysaa horumarin joogta ah, indho-furnaan iyo feejignaan aan hakasho lahayn.

Get ready for a long and hard journey ... or else go back to school.