Loading...
WQ Dr Hoori
Inta uu nool yahay, qofku wuxuu leeyahay ikhtiyaar iyo in uu doorto "Options" sahlan, fudud, aan ku kallifayn wax hawl ah ... wuxuu sidoo kale ikhtiyaar u leeyahay in uu maro waddo dhib iyo dhidid u baahan, oo kallifaysa waqti, maal iyo tacab jireed (Physical hardship).
Qofku wuu qaadi karaa wadada sahlan ee uusan ku dhibtoonayn sida in uusan shaqayn, waxba baran, iska raaxaysto oo tamashleeyo, makhaayidaha iyo "cafeteria"-da lagu caweeyo ... naftu aad bay u jeceshahay in aan la hawlin oo la maro wadada fudud ... laakiin inta badan natiijada waxay noqonaysaa in wadadaasi kugu rido bohol, kuna dhaxalsiiso nolol qahar ah.
Dhanka kale, haddii qofku doorto in uu naftiisa carbiyo, layliyo, u diido waxa ay jeceshahay, xakameeyo oo ku hayo wadada kalahaada, hurdo yarida, tacabka, u soo jeedka cilmiga iyo waxbarashada, wax qorida ... waa dariiqo ay ku goglan yihiin qoxondhooyin, in la maraa aysan naftu jeclayn ... had iyo jeer in aad ka nasatid iyo "break" qaadatid ayay naftu kugu dhiiri gelinaysaa ... laakiin natiijda ay wadadaani ku dhaxalsiinayso waa nolol karaama leh, miro-gurasho macaan leh, nasasho iyo raaxo leh.
Jannada waxaa ku teedan wax kasta oo naftu aysan jeclayn ama kahanayso ... saq-dhexe oo la kaco .. qofku in uu yeesho "discipline" uu nafta ku laylinayo, i.e. si "regular" ah ayuu shanta waqti jamaaco ugu tukan ... bil dhan buu cuntada iyo cabbitaanka ka joogin xitaa hadduu joogo meel maalinku uu yahay 20 saacadood iyo ka badan ... safar dheer oo mashaqo, hawl iyo kharash badan buu u gelin in uu guto xajka ama cumro ... sanooyin badan oo cimrigiisa ah buu ku bixin waxbarasho iyo in uu yeesho xirfad iyo aqoon uu ku shaqaysto ...
Naarta iyada waxaa ku teedan waxa naftu ka hesho oo ay jeceshahay ... asxaabtaada iskala haasaw oo waajibaadku ha ku dhaafeen ... gabdho iyo wiilal is dhexbooda oo xaflado isku ballansada ... in aad dariiqyada iyo "cafeteria" isaga fadhi ku diritid ... in aad ku dhacdid macaasi aad nafta shahawaadkeeda ugu gudanaysid dariiqo sahlan aan mas'uuliyad iyo kharash midna lahayn ...
Easy choices, hard life ... hard choices, easy life.
