Loading...
Cilmiga "Standard Economics" waxaa ka mid ah aragtiyaha gaamuray ee saldhigga u ah "Relative Price Mechanism". Aragtidani waxay qeexaysaa in haddii qofka la abaalmariyo "Extrinsic Motivation" sida in mushahaarka loo kordhiyo, ama "benefit" kale la siiyo uu waxsoosaarkiisa iyo shaqadiisa ay kor u kacayso. Sidoo kale in haddii shay sicirkiisu kor u kaco uu keenidiisa (Supply)-giisu kor u kacayo. Haddii qiimahiisa rakhiisana uu dalabkiisa (Demand) badanayo.
Waxaa aragtidaas khilaafsan ama kasoo horjeeda aragtida "Motivation Crowding" ee kusoo caan baxday cilmiyada "Behavioral Econimics" iyo "Social Psychology". Aragtidaan waxay tibaaxaysaa in qofka haddii lagu abaal mariyo ama lacag lagu siiyo (Extrinsic Motivation) waxqabad ku dhisnaa in uu qofku iskiis u qabto, ka helo, ku faraxsan yahay (Intrinsic Motivation) uu waxqabadkiisa iyo waxsoosaarkiisa hoos u dhacayo.
Waxaa dhici karta in haddii wax lagugu siiyo hal abuurkaaga (Creativity) iyo nashaadkaadkaaga dacwadeed, ama aad bulshada ugu adeegayso uu dhimanayo hal abuurnimadaadi iyo jacaylkii aad u qabtay shaqada aad haysid (Crowding Out). Wadanka UK wuxuu go'aansaday in uusan abaalmarin lacageed ku bixin in qofku dhiig shubo oo ku deeqo si isxilqaanka iyo doonista qofka ee tabaruca dhiiga aysan u dhiman una noqon shaqo qofku wax ku qaato.
Qof dumar ah oo waayeel ah oo keligeed meel deganayd ayaa waxaa dhibay ciyaal kurayo ah oo ku buuqa, albaabka kubbad kaga dhufta ... subaxii dambe ayay usoo baxday, waxayna u sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay ciyaartooda ayna ka hesho wehel. Waxay ka dalbatay in ay sii kordhiyaan ciyaarta iyo boodboodka, iyaduna ay qofkiiba $1 siindoonto. Subaxii ku xigay bay yimaadeen sidii ay ka dalbatayna waa sameeyeen. Iyaduna lacagtii ay ballan qaaday ayay ku tirisay. Subaxii ku xigay sidoo kale. Maalmo ka dib ayay lacagtii hoos u dhigtay. Ciyaalkii waa cabteen in lacagta laga yareeyey. Waxay tiri lacag la'aan baa jirtee sii wada. Iyagoo ka xun bay subaxaa ciyaareen. Subaxii ku xigay waa ka joojisay lacagtii waxayna ka dalbatay in ay sii wadaan oo aysan ka joojin. Ciyaalkii inta aad u xanaaqeen bay dheheen 'lacag la'aan in aan ugu ciyaarno bay rabtaa ... dib ugu soo noqon mayno!'.
WQ Dr Hoori
